TAA KULIYE GEELLOOW
- Djiboutitoday Djiboutitodaydjiboutitoday
- 30 mai 2017
- 1 min de lecture

Raggu tirada wuu wada galaa tarana yeeshaaye Wuxu kala tagaa maalin ay talo cuslaataaye Kuwo aan la tirinbaa jiroo reero tuur furaye Oo timo caddaadoon la odhan taa maxaad garane Turqi mayo xaajada nimaan toosin garanayne Todobaad nin loo baajiyoo tiira baa jirae Oo taakiyoo hela halkay tuur ka leedahaye

Nin waxtara abaalkiisu waa mid an tasoobayne taariikha haa qoraya oo taa markhaatiyahe taallaaa ma guurtadu warkay tabini doontaaye ismaaciil tubtuu na horkacee toosan lagu raye
intii hore wuxuu tiiriyuu taaba galiyaaba tii shalay tallaabada waxaan tahan u qaadnaaba taa maanta joogtaana waa tawdii bootadae

waxa taa markhaatiyana waan idin tusaalayne tiro male madaarada socdiyo boorashuu taxaye tareen kiina waakaa sidii miig u taw yidhiye tiriigii ma go o oo biyahaa taako soo jirae tamaamuul nikii lihi watoo tuulo qabanaayi tuur iyo god male dawyaduu toos u marayaaye
kii tamar yaraa iyo danlay taag u heli wayday taakuliye geelaa guryuhu taagayo u huraye
tusmo nabadi taal baan nohoo uunku tiigsadae tujaar waxay aduunyadu lahayd teena soo dagae wuxu nooga soo tuujiyaa tacabsi xoolaade tubtii hour markaan qaadnay iyo hilinkii toosnaaye taakuliye geelloow adaa noo tallaabsadaye duco tan iyo miisaan le iyo taaj laguu galiye taladeeda maaree adaa tab iyo xeel dheere. Aflibaax Ahmed
Comments